Rag lagu tuhunsanyahay in ay gabdho schooley ah afduubteen oo gacanta lagu dhigay

2 nin oo lagu tuhunsanyahay in ay ka dambeeyaan afduub loo geystay 2 gabdhood oo wax ka dhigata dugsiga sare ayaa shalay lagu xiray maamul goboleedka Elgeyo Marakwet ee gobolka Rift Valley.

Booliska ku sugan gobolkaasi ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan nimankaasi ayna ku wadaan baaritaanno ku saabsan fal dambiyeedka lala xiriirinaayo.

Labada nin ayaa sida la sheegay waxa ay siyaabo kala duwan u kaxeysteen gabdhaha ardayda ah iyagoo isaga dhigayay shaqaale ka shaqeeya bangi, waxaana ay ugu dambeyn ku guuleysteen in ay guryohooda geeyaan oo ay ku fara xumeeyaan.

Masuuliyiinta laamaha ammaanka ee maamul goboleedka Elgeyo Marakwet ayaa sheegay in ay mudooyinkaan kusoo badaneysay afduubka noocaas ah oo si aad ahna loogu bartilmaameedso gabdhaha Schooleyda ah.

Taliyaha ciidamada booliska ee degmada waqooyiga Keiyo Mr Joseph Biwott ayaa sheegay in dhawaan maxkamadda la hor geyn doono labada nin ee hadda gacanta lagu hayo, si ay u wajahaan awoodda buuxda ee sharciga. Sarkaalkan ayaa bulshada gobolkaasi ka codsaday in ay laamaha amaanka kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa mushkiladdaasi oo sabab u noqota inta badan kiisaska is dilka dhalinyarada, gaar ahaan gabdhaha la kufsado.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Rag lagu tuhunsanyahay in ay gabdho schooley ah afduubteen oo gacanta lagu dhigay

  1. It is appropriate time to make some plans for the future and it’s time to be happy.

    I’ve read this post and if I could I wish to suggest you some interesting things or tips.
    Perhaps you could write next articles referring to this article.

    I wish to read more things about it! http://Bing.net/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *