Askari ka tirsanaan jiray booliska oo xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu tuhmay argagixisanimo

Ciidamada ammaanka ee ku sugan magaalada Mombasa ee gobolka xeebta dalka ayaa xabsiga u taxaabay askari horay uga tirsanaan jiray booliska sida Milatariga u tababaran ee loo yaqaanno GSU-da, kaas oo lagu tuhunsanyahay in uu xiriir la leeyahay dhaqdhaqaaqyada loogu yeero argagixisada.

Ninkaan ayaa waxa uu baxsad ahaa dhawaanahaan, isagoo ay booliskana si weyn u doon doonayeen.

Bishii la soo dhaafay ayey ahayd markii ay ciidanka booliska gacanta ku dhigeen 3 qori oo noocoodu yahay AK47, 178 xabadood oo rasaas ah iyo 9 qasnadood oo loo isticmaalo qoriga AK47-ka, kuwaas oo dhammaantood laga helay guriga uu daganaa askarigaasi hore oo ku yaalla xaafadda Githurai 45 ee magaalada tan Nairobi.

Agaasimaha ciidamada dambi baarista CID-da ee xaafadda Ruiru David Chebii ayaa sheegay in sarkaalka hore ee ka tirsanaa laanta GSU-da uu xiligaas howlgalku dhacayay ka baxsaday gacanta booliska.

Ninkaan eedeysanaha ah ee hadda lagu xiray Mombasa ayaa magaciisa lagu sheegay Eric Ngethe Kanyigi, waxaana uu shaqada ciidanka ka tagay sanadkii 2014-ki.

Askarigaasi ayaa markii hore booliska ku biiray sanadkii 2012-ki, waxaana uu ka tirsanaa muddo 2 sanadood ah, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada ammaanka.

Waxaa la aaminsanyahay in uu ka mid yahay dadka u hoggaansamay fikirka Al Shabab, mid ka mid ah bartilmaameedadiisa uu damacsanaa in uu weerarka ka fuliyo ayaana lagu sheegay xarunta dhexe ee ciidamada GSU-da ee xaafadda Ruiru, in kastoo isku daygaasi ay booliska fashiliyeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *