Booliska Siaya oo ugaarsanaya macalin baxsad ah oo fara xumeeyay carruur arday ah

Wararka naga soo gaaraya maamul goboleedka Siaya ayaa sheegaya in booliska magaalada Bondo ay ku raad joogaan nin macalin ah oo baxsaday kaddib markii uu fara xumeyn u geystay 7 carruur ah oo wax ka dhigan jirtay School uu bare ka ahaa.

Macalinkaan oo da’diisa lagu sheegay 34 sano jir ayaa ardayda uu tacadigaasi u geystay waxa ay dhammaantood yihiin gabdho wax ka dhiganayay Schoolkaasi oo ku yaalla jaziiradda Sifu oo ku dhex taalla harada weyn ee Lake Victoria.

Carruurtaasi oo kala dhiganeysay fasallada 1-aad iyo 4-aad ee dugsiga uu macalinka ka ahaa ayuu bishii la soo dhaafay ku fara xumeeyay gurigiisa, sida ay wararka sheegayaan.

Maamulaha Schoolkaasi ayaa sheegay in baraha oo lagu magacaabo Moses Wandhawa, ay Schoolka ugu dambeysay muddo 2 isbuuc ah ka hor, isagoo aan la ogeyn halka uu u baxsaday.

Taliyaha booliska ee aagaasi Paul Kiarie oo arrintaan xaqiijiyay ayaa sheegay in ay horay u qoreen war bixin dacwad ah oo ka dhan ah macalinka ayna taliska booliska soo saareen amarkii lagu soo xiri lahaa.

Mr Kiarie ayaa sheegay in eedeysanahaasi uu hadda dhuumaaleysanayo balse ay boolisku dadaal ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen, maxkamadna la hor geyn doono marka la qabto kadib.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *