Hoggaamiye ka tirsan mucaaradka Syria oo duqeyn lagu dilay

Hoggaamiye sare oo dhinaca Milatariga ah, ahna ninkii aasaasay kooxda mucaaradka Syria ee la magac baxday Jabhat Fatah al-Sham oo horay loogu yaqaanay Nusra Front ayaa lagu dilay duqeyn xaga cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka ka fuliyeen dalka Syria.

Duqeyntaasi ayaa lala beegsaday goob ay shir ku lahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan masuuliyiinta kooxdaas iyo dagalaayahanno kale.

Abu Hajer al-Homsi, oo uu magaciisa dhabta ahaa Abu Omar Saraqeb ayaa khamiistii shalay ku dhintay goobta ay diyaaradaha duqeeyeen oo ku taalla baadiyaha gobolka Aleppo.

Akhbaaraad kale oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in xiliga uu weerarka dhacayay ay hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannadaba ku dhuumaaleysanayeen xaafad lagu magacaabo Kafr Naha.

Masuuliyiinta Jabhadda Fatah al-Sham ayaa qiray geerida hoggaamiyahooda dhinaca Milatariga, iyagoo sheegay in ay aad ugu maleynayaan duqeyntaas in ay fuliyeen diyaaradaha xukuumadda Washington oo howlgallo joogto ah ka fuliya Syria.

Hase ahaatee hoggaamiyaha sare ee kooxdaasi oo lagu magacaabo Abu Mohammad al-Jolani ayaa la rumeysanyahay in uusan waqtigaas ku sugneyn goobta uu ka dhacayay kulanka ee la duqeeyay.

Tan iyo markii ay Mareykanka iyo xulafadiisa duqeymaha Syria billaabeen bishii September ee sanadkii 2014-ki, waxa ay si joogto ah weeraro ula bartilmaameedsanaayen hoggaanka kooxda Nusra Front, waxaana duqeymahooda sidoo kale ku dhintay dad fara badan oo shacabka Syria ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *