Kuuriyada waqooyi oo sameysay tijaabo cusub oo hubka Nuclierka ah

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay si buuxda ugu guuleysatay tijaabadii abid ugu weyneyd ee ay ku sameysay hubkeeda Nuclierka.

Televishanka ku hadla afka dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa soo tabiyay arrintaan oo ay xukuumadda Piongyang ku tilmaantay mid ay uga hor tageyso cadownimada Mareykanka.

Dhul gariir uu cabirkiisu yahay 5.3 Magnitude ayaa saaka oo Jimce ah laga soo tabiyay Dalkaasi, waxaana la sheegay in uu dhul gariirkaasi ka dhashay Bambada Nuclierka ee la tijaabiyay.

Tijaabada hubka nuclierka ee ay sameysay kuuriyada Waqooyi ayaa loo arkaa mid si aad ah uga sii careysiineysa dalalka dariska la ah waddankaasi oo ay ku jirto Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka oo xiriir wanaagsan la leh kuuriyada Koonfureed.

Kuuriyada Waqooyi ayaa mudooyinkaan sare u qaaday tijaabinta hubkooda halista ah ee mamnuuca ka ah dunida in lagu isticmaalo.

Bishii January ee sanadkaan ayey ahayd markii ay Milatariga Kuuriyada Waqooyi sameeyeen tijaabadoodii 4-aad ee Hubka wax gumaada ee Nuclierka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *