Ardayda deeqda waxbarashada ka helay oo ku biireysa Jaamacadaha iyo kolejyada gaarka loo leeyahay oo la shaaciyay

Waxaa maalintii shalay oo jimco ahayd shaaca laga qaaday ardayda deeqda waxbarasho ka helay dowlada dalka oo ku biireysa jaamacadaha iyo kolejyada sida gaar ah loo leeyahay.

Arday gaareysa  12,096 ayaa la filayaa in ay goobahaasi waxbarasho ku biiraan 19-ka bishan aynu kuguda jirno ee september sida laga soo xigtay gudiga adeega jamaacadaha iyo kolejyada dalka ee magacooda loo soo gaabiyo KUCCPS.

Inta badan ardaydan oo wax ka baran doono 29 jaamacadood ayaa waxa la sheegay in ay baranaayan culunta ganacsiga iyo kuliyada la xiriira farshaxanka.

Ardaydan oo isugu jiro wiilal iyo gabdho ayaa waxa ay kala yihiin 6,755 oo wiilal ah iyo 5,341  oo habla ah.

Qaar kamid ah jaamacadahan ayaa ardayda aqrisan doono ayaa waxa ay kala yihiin Mount Kenya University oo ku biireysa in ka badan 250 arday halka Daystar Universitina ay heli doonan 227 arday oo ka faa’ideysaneysa deqda waxbarasho.

Jaamacadaha kale ayaa waxa ay kala yihiin United States International University-Africa oo ku biireysa 221, Africa International University (100), University of Eastern Africa-Baraton 570 arday.

Ku dhawaad lacag dhan 700 oo milyan oo shilin ayeey dowlada dalka u qoondeysay in ay lacagaha jamacadaha uga bixiso ardayda darajada fiican helay ee ku biiraya Jamacadaha mise kolejyada sida gaar ah loo leeyahay kuwaas oo nafas ka waayay schoolada dowlada ay maamusho.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *