Aska William ole Ntimama oo ku baxeysa lacag dhan 33 milyan oo shilin

Aaska loo sameyn doono wasiirkii hore ee dowlada hore katirsanaa William ole Ntimama ayaa la sheegay in ay ku bixi doonto lacag dhan 33 milyan oo shilinka dalka ah.

Lacagtan tirada badan ayaa lagu qarash gareen doonaa cunada, sugida amaanka, kireenta gawaarida iyo waxyaabo kale.

ole Ntimama ayaa lagu wadaa in arbacada soo socota ee isbuuca fooda inagu soo hayo lagu aaso gurigiisa kuyaala Magaalada Narok.

Sida ay qortay mid kamid wargeysyada kasoo baxo dalka 12 milyan oo shilin ayaa lagu qarash gareen doonaa gaadiidka halka cunadana ay ku bixi doonto 89 milyan.

Ntimama oo ahaa rug caddaa siyaasadeed oo 25 sano xildhibaan u ahaa shacabka Narok ayaa geeriyooday labadii bishan September.

Ninkaan oo awood dhinaca taageerada ah ku lahaa bulshada Masaai-da ayaa hadda waxa ay da’diisu ahayd 88 sano.

Muddo 15 sano ah ayuu ahaa gudoomiyaha golaha maamulka ee Narok oo loo yaqaanay County Council.

Dowladdii Mwai Kibakina waxa uu kasoo noqday wasiirkii xukuumadda daakhiliga.

Ntimama ayaa xanuun caadi ah ugu dhintay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Narok.

Ergooyin ka socdo dalalka Tanzania, Ugandha iyo dalkani Kenya ayaa lagu wadaa in ay kasoo qeyb galaan aaska qaran ee loo sameynayo ole Ntimama.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *