Dhiiga DNA-da ee wariye goor sii horeysay ku geeriyooday Kilifi oo loo qaaday Konfur Africa

Waxa in mudda ah la sii sugi doonaa baaritanka lagu waday wariye u shaqeyn jiray shirkada standard Group oo goor sii horeysay si khaflad ah ugu dhintay isagoo ku sugan gurigiisa.

Dhiiga wariyahan oo lagu magacaabi Jiray Joseph Masha ayaa loo qaaday dalka konfur Africa si looga soo saaro natiijo wax ku ool oo la xiriirta waxa sababay dhimashadiisa.

Tan ayaa ka dambeysay kadib markii dhaqaatiir ay direen shirkadaasi uu ka tirsanaa wariyaha si ay baartaano ugu sameeyen ay ku taliyeen in dhiiga loo qaado dalkaasi si halkaas baaritano xoogan loogu soo sameeyo.

Mid kamid ah dhaqaatirtaasi ayaa sheegay in ay doonayaan sidii ay iskula bar bar dhigi lahaayen natiijadii ka soo baxday baaritanka iyo natiijada kasoo bixi donto marka la geeyo dalka South Africa.

Waxaa ilaa iyo hadda la ogeyn sababta dhabta ah ee kadambeysay geeri kutimid wariyahaasi oo khabiir ku ahaa dhanka siyaasada.

Dowlada dalka ayaa dhanka kale balan qaaday in ay sugi doonaan amaanka wariyeyaasha islamarkaana ay ka hor tagi doonto dhamaan tacadiyada loo gesto suxufiyiinta.

Afhayeenka dowlada ayaa sheegay in ay soo gartay cabashada suxufiyinta ka howlgasha dalka oo uu ku sheegay in ay hayaan shaqo aan caadi ahayn waxa uu inta kudaray in ay bilaaben baaritano la xiriirta waxyaabaha ay tabanayaan.

Hal maalin ka hor ayay ahayd markii wariyayaasha ka howl gala dalka ay dhigeen dibadbaxyo ay uga cabanaayen khatar badan oo ay sheegeen in ay soo food saartay hawshooda xiliyada ay shaqada kuguda jiraan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *