Hindisa sharciyeed looga gol leeyahay in dib u habeyn loogu sameeyo gudiga TSC

Gudiga adeega  macalimiinta dalka ee loo soo gaabiyo TSC ayaa lagu wadaa in dhawaan dib u habeyn lagu sameeyo.

Talaabadan ayaa la aaminsanyahay in ay horseedi doonto in  maamula badan oo hoos tago wasaarada waxbarshada  ay burburaan.

Wasiirka waxbarshada ee  dalkan Kenya Dr. Fred Matiang’i ayaa  ka qeyb qaadan doono magacaabista gudomiyayaasha iyo madaxa fulinta ee gudiga TSC.

Hindisa sharciyeedkan oo loogu magacdaray The Miscellaneous Amendments Bill 2016 on Education sector  ayaa  dhanka kale lagu doonaya in tirada gudoomiyayaasha ee gudiga TSC laga dhigo 3.

Gudiga TSC ayaa hada leh 7 gudoomiye.

Seddexdan qof ayaa kala ahaan doona  gudoomiye iyo 2 xubnood oo kale oo lagu soo xushay sida  dastuurka waafaqsan.

Gudoomiyaha  iyo 2-dan xubnood ayaa xilka hayn doona  6 sano oona loo cusboneysiineynin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *