Nin u dhashay Australia oo lagu xukumay argagixisinimo

Nin u dhashay  Australia ayaa maanta lagu xukumay in uu fuliyay weerar argagixiso iyo in uu  dil isku dayay.

Ciidamada booliska ayaa sheegay in ay aaminsanyihin in ninkan ay arrintan ku dhalisay garab siinta kooxda ISIS  kadib markii  uu si celcelis ah u tooreyay qof dhex maraayay beer.

Shalay ayuu ninkan oo  22 jir ah toori geliyay nin kale oo  59 jir ah  sido kalena weeraray booliskii goobta yimid.

Gudomiye ku xigeenka booliska New South Wales Catherine Burn ayaa shir jaraaid ka sheegtay in ay ogyihiin in ninkan  uu aaminsanyahay  caqiido adag oo salka ku heysa afkaarta kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *