Arday dhigta dugsiga sare oo isku dilay Elgeyo Marakwet

Wararka naga soo gaaraya maamul goboleedka Elgeyo Marakwet ayaa sheegaya in uu is dilay arday wax ka dhigan jiray fasalka 4-aad ee dugsiga sare.

Sababta uu ardaygaasi isku dilay ayaa lagu sheegay lacagta Schoolka ardayda looga qaado oo uusan bixinin.

Qaar ka mid ah dadka dariska la ah qoyska ardaygaasi ayaa sheegay in wiilkaasi 17 sano jirka ahaa maalintii Jimcada ee isbuucii lasoo dhaafay laga soo eryay Schoolka, si uu u bixiyo lacag ka harsan mida uu Schoolka ku dhigto oo laga doonayay.

Meydkiisa ayaa subaxnimadii isniinta ee shalay laga helay gurigooda oo ku yaalla xaafadda Kapchesek ee maamul goboleedka Elgeyo Marakwet.

Taliyaha ciidamada booliska ee aagaasi Emmanuel Rono ayaa sheegay in ay suurta gal tahay in wiilka ardayga ah uu sun cabay habeenimadii ay isniinta soo galeysay.

Mr Rono ayaa ka dhawaajiyay in tuhunkaas uu galay kadib markii dhalo kuwa sunta lagu shubo ah laga helay agagaarka meydka wiilkaasi.

Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in ay hadda socdaan baaritaanno qota dheer oo ku aadan dhacdadaasi oo argagax galisay dadka deegaanka.

Maamulka Schoolka uu wiilkaas dhiganayay ayaan wali wax war ah kasoo saarin arrintaan, maadaama lagu eedeeyay in ay ardaygaasi Schoolka kasoo saareen si uu lacagta lagu leeyahay u geeyo Schoolka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *