Booliska oo dad u xiray weerarkii lagu qaaday saldhiga Mombasa

Waxaa isasoo taraya faahfaahino dheeri ah oo ku saabsan weerarkii ay 3 dumar ah maalintii axadda ahayd ee lasoo dhaafay ku qaadeen saldhiga booliska ee bartamaha Mombasa.

Booliska ka howl gala magaalo xeebeedkaasi ayaa xabsiga u taxaabay 3 ruux oo lagu tuhunsanyahay in ay ku lug lahaayeen weerarkaasi qorsheysnaa ee la fashiliyay.

3-da qof ee la xiray oo dhammaantood ah dad qaxooti ah oo kasoo jeeda Somalia ayaa la rumeysanyahay in ay la noolaayeen 3-da dumarka ah ee weerarka ku qaaday saldhiga, kuwaas oo ay booliska toogasho ku dileen.

Nin kale oo la qabtay ayaa sidoo kale la sheegay in uu la noolaa haweenka da’da yar ee weerarka fulinaayay.

Dumarkaasi ayaa galinkii hore ee maalintii axada ahayd waxa ay isku dayeen in ay weerar ku ekeeyaan saldhiga booliska Mombasa, iyagoo halkaas ku dhaawacay 2 askari oo ku sugnaa saldhigaasi.

Laamaha ammaanka ayaa hadda sii laban laabay baaritaannada ku aadan dhacdadaasi oo ay billaabeen dabayaaqadii isbuuci lasoo dhaafay.

Waxaa soo kordheysa cabsi laga qabo in kooxaha loogu yeero argagixisada ay iminka dhaqdhaqaaqyadooda u adeegsanayaan dumar, taasoo aan badanaa horay looga baranin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *