Dowlada dalka Turkiga oo hadda si rasmi ah u codsatay In lasoo xiro Fatxullah Gulen

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegeysa in xukuumadda Ankara ay haatan si rasmi ah u codsatay in loo soo xiro wadaadka fadhigiisu yahay Mareykanka ee Fatxullah Gulen.

Wasiirka cadaalada ee Turkiga ayaa sheegay in hadda laga codsaday xukuumadda Washington in ay soo xirto wadaadkaasi oo lagu eedeynayo in uu soo maleegay inqilaabkii fashilmay ee dalkaasi ka dhacay bishii July ee sanadkan.

Ankara ayaa inbadan u diray Mareykanka ducomentiyo muujineysa in Mr Gullen oo ku lug lahaa inqilbkaasi l doonayay in xilka looga tuuro Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Fatxullah Gulen ayaa beeniyay in uu ku lug lahaa inqilaabkaasi.

Xilligii uu dhacayay inqilaabkaasi fashilmay ayaa ciidamo gadoodsan waxa ay diyaaradaha dagaalka ee dalkaasi u adeegsadeen in ay ku duqeeyaan dhismaha baarlamanka, waxa ayna sidoo kale xireen buundooyinka.

Turkey ayaa tan iyo xilligaasi dalbanaayay in Washington ay u soo gacan geliso wadaadkan, waxaana arrintaasi looga wada hadlay shirkii waddamada G20 oo madaxweyne Erdogan iyo Obama ay ku kulmeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *