Ganacsatada khadka dalka oo nafis dareemay

Ganacsatada iyo beeraleyda khadka ee dalkan Kenya ayaa hadda u muuqataa kuwa nafis dareemay kadib markii dowlada Soomaliya ay xayiraada ka qaaday khadkii loo dhoofin jiray dalkooda.

Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweyneyaasha labada waddan, Uhuru Kenyatta iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay wadahadal ka yeeshen arrimaha ganacsiga ee khaadkuna uu ka midka yahay, waxana si rasmi ah u xaqiijisay in xayiraaddii khaadka la qaaday wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Amina Maxamed oo ka qayb galaysay shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyey.

Dowlada soomaliya ayaa isbuuc ka hor ku dhawaqday in ay si kumeel gaar ah u joojisay khadkii loo dhoofin jiray taas oo noqotay hadal heyntii ugu badneed ee la hadal hayay.

Ganacsatada qaadka oo arintaas wal wal xoogan ka muujinaayay ayaa waxay dhigeen banaanbaxyo ay uga soo horjeedeen talaaabada ay qaaday dowlada federalka ah ee soomaliya.

Dadka ka ganacsada jaadka ayaa waxa soo gartay khasaaro aad u badan waxana la sheegay In maalintiiba ay luminayeen lacag ka badan 60 milyan oo shilinka dalka ah.

Sidoo kale labada dowladood ayaa waxay kawada hadleen arimo kale oo ganacsiga quseeya sida in bangiga ay dowlada dalka maamusho ee loo yaqaano KCB laan uu kafurto Magaalada muqdisho ee caasimada soomaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *