Gavanaha Maamul goboledka Garissa oo maanta markale kasoo hormuqday Maxkamada

Gavanaha Countiga Garissa Nadiif Jaamac Aadan  ayaa maanta ka soo hor muqday maxkamada magaalada Garissa iyado maanta ay ahayd in si rasmi ah uu uga bilaawda dhagaysiga dacwada ka dhanka ah gavanaha iyo xubna ka tirsan Dowladiisa.

Hasa ahaatee markhaatiyadi la filaayay in ay  imaadan maxkamada ayaan soo xaadirin taas oo keentay in dib loo dhiga  dhagaysiga kiiska.

Lawyarka ama wakiilka mataalayay gavanaha iyo xubnaha la dacwaysan Mr Amanya Cohen oo doonaayay inaan  dhagaysiga  dib loo dhigin ayaa sheegay in dacwada kiiska la dhageysan doono 5 iyo 6-da bisha December waxuuna sheegay in arintan ay si weyn ay diyaar ugu yihiin.

Gavanaha iyo qaar kamid ah xubnihiisa dowlada ayaa lagu eedeynayaa arimo la xiriira musuq musuq.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *