Hogaamiyayaasha iyo shacabka ku dhaqan Countiyada Isiolo iyo Garissa oo baaq nabaded loo diray

Hogaamiyayaasha Maamul goboledyada Garissa iyo Isiolo oo deris ah ayaa loogu baaqay in ay hor kacaan shacabkooda iyo mas’uuliyiinta kale ee maamuladaasi si xasilooni loo kala dhex dhigo bulshooyin xoolo dhaqato ah oo xurguf soo kala dhex gashay.

Dubad Cali camay oo ah odeyaasha garissa sidoo kalana ah gudoomiyaha gudiga suuq geynta xoolo dhaqatada dalka ayaa sheegay in lagama marman in ay tahay gavanayaasha labada counti in arrinta ay soo fara gashadaan si loo dhameeyo khilaafka labada dhiinac islamarkaana bulshooyinka si nabad ah ay kuwada noo laadaan.

Baaqan iyo fariintan kasoo baxday odeyaasha Garissa ayaa kadambeysay kadib markii dabayaaqadi bishii aynu soo dhaafnay lasoo tabiyay iskudhac ku dhexmaray bulshada xoolo dhaqata ah oo degta deegano hostagta degmada lagdheera ee countiga Garissa iyo qeybo kamid ah maamul goboleedka Isiolo.

Coolaadahan ayaa salka kuhayay muran dhanka daqsiinka ah oo u dhexeeyay xoolo dhaqata kasoo kala jeeda garissa iyo Isiolo.

Dubad Cali Camay oo nagu soo boqday studiaha Idaacada ee Magaalada tan Nairobi ayaa dhanka kale waxaa uu si aad ah u cambaareeyay  weerarkii isbuuci lasoo dhaafay lagu qaaday saldhig kuyaala bartamaha Magaalada Mombasa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Hogaamiyayaasha iyo shacabka ku dhaqan Countiyada Isiolo iyo Garissa oo baaq nabaded loo diray

  1. It is perfect time to make some plans for the long run and it is time to be
    happy. I’ve learn this submit and if I could I wish to recommend you few attention-grabbing issues or suggestions.
    Maybe you could write subsequent articles referring to this article.
    I desire to learn even more issues approximately it! http://yahoo.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *