Madaxa maamul goboleedka Nyeri oo la filayo in uu maanta kasoo hor muuqdo aqalka Senete-ka

Muranka u dhexeeya madaxa maamul goboleedka Nyeri iyo xildhibaannada baarlamaanka hoose ee Countigaasi ayaa u muuqda mid sii xoogeystay xili maanta lagu wado in ay mudaneyaasha aqalka Senete-ka billaabaan dhageysiga mooshin ku saabsan arrintaasi.

Wakiillada deegaanka iyo masuulka ugu sareeya maamulka Countiga Nyeri ayaa sare usii qaaday dagaalkooda dhinaca siyaasadda.

Muranka u dhexeeya labada dhinac ayaa faraha kasii baxay kadib markii dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay madaxa maamul goboleedka Nderitu Gachagua.

Govarnarka Nyeri Nderitu Gachagua ayaa la filayaa in uu maanta kasoo hor muuqdo xildhibaannada Senete-ka ee uu fadhigoodu yahay xarunta baarlamaanka ee magaalada tan Nairobi.

Senete-ka ayaa dhageysan doona isla markaana ka doodi doona mooshinka la xiriira xil ka qaadistii lagu sameeyay Mr Gachagua oo lagu eedeeyay in uu maamul xumo sameeyay.

Xubnaha golaha wakiillada ee u ololeynaayay xil ka qaadista Gavanarka ayaa laga dhowrayaa in ay aqalka hor geeyaan war bixinno ku saabsan eedeymaha ka dhanka ah masuulkaasi oo iska fogeeyay dhammaan dhaleeceynta loo jeediyay.

Nderitu Gachagua ayaa ku dooday in aan la siinin wax fursad ah oo uu isku difaaco, isagoo Seneterada ka codsaday in ay caddaalad u sameeyaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii uu ku guul dareysto taageerada xubnaha aqalka Senete-ka uu u dhaqaaqi doono dhinaca maxkamadda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Madaxa maamul goboleedka Nyeri oo la filayo in uu maanta kasoo hor muuqdo aqalka Senete-ka

  1. It is appropriate time to make some plans for the future and
    it’s time to be happy. I’ve read this post and if I
    could I desire to suggest you few interesting things or advice.

    Maybe you could write next articles referring to this article.
    I want to read more things about it! http://bing.org

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *