Mwai Kibaki oo dib ugu soo labtay dalka

Madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki ayaa lagu soo waramayaa in uu dalka dib ugu soo labtay kadib markii xaalad caafimad loogu qaaday dalka konfur Africa.

Kibaki oo sedex isbuuc ka hor laga qaaday dalka ayaa waxay wararka sheegayaan in diyaaradii uu la socday ay kasoo caga dhigatay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta 10-kii barqanimo ee axadii aynu soo dhaafnay.

Warar hoose oo la helayo ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha ay xiligaasi wehlinayeen qaar kamid ah qoyskiisa iyo dhaqaatir si aad ah u la socoto xaaladiisa.

Qoyska Kibaki ayaa diidan in warbaahinta iyo dadweynaha ay la qeybsadaan xaalada caafimad halka ay mareyso Mas’uulkaasi waxayn taas badalkeeda door bideen in ay qariyaan taas oo horseeday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo ogaan waayo xiligii uu Kibaki ka imaaday south Africa oo ahayd dabayaaqadii isbuuci tagay.

Waxaa garoonka diyaarada ku soo dhaweeyay wiilkiisa Jimmy iyo qaar kamid ah qaraabadiisa sida ay qortay mid kamid jaraa’idyada kasoo baxo gudaha dalka.

Qoyska Kibaki ayaa inta badan ka codsada warbaahinta in aysan tabinin warar kusabsan Madaxweynaha 10-ka sano dalka kasoo arriminaayay ilaa iyaga waa eheladee ay war kasoo saarayaan xaalada Madaxweynaha.

Kibaki ayaa dalka ka dhoofay sedex isbuuc ka hor kadib markii la sheegay in uu xanuun kusoo booday waxaana lagu dabiibaayay isbitaalka Netcare Sunninghill ee kuyaala Magaalada Johannesburg ee dalka konfur Africa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *