Shir looga hadlayo caafimaadka oo maanta ka dhacaya Nairobi

Aqalka madaxtooyada ee magaalada tan Nairobi ayaa waxaa maanta ka dhacaya shir ballaaran oo looga hadlayo halka ay marayaan howlaha dhinaca caafimaadka ee dalka.

Kulankaasi ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war bixin dadka Kenyaanka ah loogu sharaxayo horumarradii ay dowladda dhexe dhanka adeegyada caafimaadka ka gaartay mudooyinkii lasoo dhaafay.

Arrimaha looga hadli doono kulanka inta uu socdo ayaa waxaa ka mid ah habkii loo maareeyay dhaqaale dhan 38 bilyan oo shilin oo loogu tala galay in lagu dhiso laguna qalabeeyo ilaa 98 isbitaal.

Isbitaalladaasi oo heer sare ah ayaa lagu wadaa in laga dhiso guud ahaan qeybaha kala duwan ee dalka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in horayba loo qalabeeyay qaar ka mid ah isbitaallada dalka, kuwaas oo lagu kordhiyay qalabyo ay ka mid yihiin CT scan iyo raajada.

Dhinacyada lagu casuumay shirkaan ayaa isugu jira saraakiil ka socota wasaaradda caafimaadka, dhaqaatiir iyo masuuliyiin kale oo ka socda waaxyaha caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwo kaleba.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *