Waalidiin ku sugan Lamu oo dalbaday in la furo Schoollada ka xiran

Qaar ka mid ah waalidiinta iyo carruurta ardayda ah ee ku sugan deegaanka Basuba ee bariga maamul goboleedka Lamu ayaa muujiyay walaac xoogan oo ay ka qabaan in ay xiranyihiin Schoolladii ay carruurtooda dhiganayeen.

Waalidiinta ayaa dolwadda ka codsaday in dib loo furo Schoollo badan oo ku yaalla aagaasi oo xiran muddo 2 sano ah.

Sababaha loo xiray dugsiyadaasi ayaa ah cabsi la xiriirta dhinaca ammaanka oo aan la isku haleyn Karin.

Deegaannada ka tirsan Lamu ee aysan ilaa iyo hadda wax wax barasho ah ka soconin ayaa kala ah Mangai, Basuba, Milimani iyo Mararani.

Schoolladaasi oo dhammaantood ah dugsiyada hoose dhexe ayaa albaabada la isugu dhuftay sanadihii 2014-ki iyo 2015-ki kadib markii ay deegaanadaasi qaarkood ka dheceen weeraro ay masuuliyadooda sheegatay al shabab.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax rajo ah oo muujineysa in Schoolladaasi dib loo furi doono, iyadoo aagaasi ay mudo 1 sano ah ka socdaan howlgallo lagu baacsanayo al shabab oo ay iska kaashanayaan booliska iyo Milatariga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Waalidiin ku sugan Lamu oo dalbaday in la furo Schoollada ka xiran

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *