Xabad joojin ay heshiiskeeda hirgaliyeen Mareykanka iyo Ruushka oo ka dhaqan gashay Syria

Guud ahaan dalka Syria ayaa waxaa si rasmi ah uga dhaqan gashay xabad joojin ay heshiiskeeda si wada jir ah u hir galiyeen dowladaha Mareykanka iyo Ruushka.

Shalay oo isniin ahayd kuna beegneyd maalinta 1-aad ee munaasabadda Ciidul adxa ayaa qeybo badan oo ka tirsan dalka Syria laga dareemayay daganaan, in kastoo ay jirto cabsi xoogan oo ku aadan in aan la isku haleyn Karin sii jiritaanka xabad joojintaasi.

Xog hayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka iyo dhigiisa waddanka Ruushka ayaa si wada jir ah uga shaqeeyay hir galinta heshiiska xabad joojintaasi.

Ururka u dooda xuquuqda aadanaha Syria ee uu fadhigiisa yahay magaalada London ayaa sheegay in inta badan meelaha ugu waaweyn ee ay dagaallada ka socdeen ee dalka Syria ay hadda xasiloonyihiin.

Hase ahaatee, Rami Abdulrahman oo ah agaasimaha kooxda u dooda xuquuqul insaanka Syria ayaa sheegay in ay jireen dhowr madfac oo ay is weydaarsadeen xoogaga mucaaradka iyo ciidamada dowladda.

Tallaabadaan ayaa loo arkaa mid horumar weyn u ah dadaallada  lagu hakinayo dagaallada Syria ee uu dhiiga badan ku daadanayo.

1 maalin ka hor munaasabadda Ciida ayaa in ka badan 100 ruux lagu dilay weeraro iyo qaraxyo ka dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan Syria.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *