Barcelona oo ku tumatay kooxda Celtic

Waxa xalay garoonka Camp Nou ee Barcelona ay iska leedahay dhulka lagu jiiday oona dhagaha lagu dhuftay kooxda reer Scotland ee Celtic oo xita aan wax naxariis ah aan loo sameynin iyado ciyaar ka tirsan isra reebka koobka Champions Liiga oo xalay dhacday ay kooxda Barcelona cashir u dhigtay kooxdaas iyado kaga awood roonaatay 7 gool iyo eber waxana goolasha kooxda Barcelona u dhaliyay ciyaaryahanadeeda kala ah libaaxa kubada cagta Lionel Messi oo 3 gool kala dhaliyay daqiiqadaha kala ah daqiiqada 3-aad,27-aad iyo daqiiqada 60-aad,luis Suarez ayaa isna dhaliyay 2 gool daqiiqadaha kala ah 75-aad iyo 88-aad waxana labada gool oo kale kala dhaliyay ciyaartoyda kala ah Andres Iniesta iyo Neymar daqiiqadaha kala ah 54-aad iyo 59-aad.

Bayern Munich ayaa iyadana garoonkeeda kaga adkaatay kooxda FC Rostov Robert Lewandowski oo goolki ugu horeeyay dhaliyay daqiiqadi 28-aad isago goolkaas ku dhaliyay qaab rigoore ah,goolki 2-aad ayaa waxa u dhaliyay Thomas Muller daqiiqadi 45-aad,Joshua Kimmich ayaa isna laba gool oo isku xigta kala dhaliyay daqiiqadaha kala ah 53-aad iyo 60-aad hase yeeshe goolki ugu dambeeyay ayaa waxa isna dhaliyay Juan Bernat daqiiqadi 90-aad.

Dhinaca kale Arsenal ayaa iyadana bar bar dhac gool iyo gool ah la gashay kooxda reer Franse ee Paris Saint Germain ciyaar ka dhacday garoonka Parc Des Princess waxana goolka la hormaray kooxda Paris Saint Germain oo waxa shabaqa taabsiiyay weeraryahanka Edinson Cavani daqiiqada 1-aad ee ciyaartaas waxana Arsenal bareejeysay goolkaas daqiiqa 78-aad ee ciyaartaas iyado oo u goolkaas u dhaliyay ciyaaryahanka Alexis Sanchez.

Ciyaartaas ayaa waxa baxay laba kaar oo ah kaararka caasanka ah waxana loo taagay labada ciyaaryahan oo kala ah Oliver Giroud iyo Marco Verrati.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *