Duufaantii ugu xooganeyd sanadkaan oo ku dhufatay Taiwan

Qeybo ka mid ah dalka Taiwan ayaa lagu soo waramayaa in ay xayiranyihiin dhaqdhaqaaqyadii dadka, kadib markii ay waddankaasi ku dhufatay duufaantii ugu xooga badneyd ee sanadkaan laga soo tabiyo caalamka.

Dabeylo xoogan ayaa saameeyay jaziiradaha ku yaalla koonfurta Taiwan, iyagoo koronto la’aan dhigay dadkii daganaa in ka badan 180,000 oo guri.

In kastoo duufaantaasi oo lagu magacaabay Meranti aysan si toos ah u soo caga dhiganin dhulka ayaa hadana waxa loo aqoonsaday in ay tahay mid aad uga awood badan dhammaan duufaanaha kale ee sanadkaan 2016-ka laga soo tabiyay dalalka dunida.

Roobab ma hiigaan ah oo dabeylo wata ayaa maalmihii la soo dhaafay ka da’ay inta badan magaalooyinka ku yaalla bariga iyo koonfurta dalka Taiwan.

Waxda saadaasha hawada ee dalkaasi ayaa sheegtay in maanta oo arbaca ah la filayo in saameynta ugu badan ee duufaanta Meranti ay gaarto waddankaasi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax qasaare ah oo laga soo tabiyay deegaannada ay dabeylaha ka jiraan, hase ahaatee waxa jirta cabsi iyo walaac xoogan oo ay dadka muujinayaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *