Israel oo Mareykanka ka heleysa kaalmadii Milatary ee abid ugu badneyd

Dowladda Mareykanka ayaa ogolaatay in ay saxiixdo heshiis kaalmo dhinaca Milatariga ah lagu siinayo Israel, kaasoo ay ku baxeyso lacag balaayiin dollar ah.

Saraakiil u hadashay xukuumadda washington ayaa sheegay in heshiiskaan uu dhigayo in Israel ay hub ka hesho Mareykanka muddo 10 sano ah oo ka billaabaneysa sanadka 2019-ka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in wada hadal ku saabsan arrintaan uu socday ilaa 10 bilood oo xiriir ah, isla markaana maanta oo arbaca ah ay labada dal ee xulafada ah qalinka ku duugi doonaan heshiiska hubka lagu siinayo Israel oo ku kacaya lacag dhan 38 bilyan oo dollar.

Masuuliyiinta labada wadan si rasmi ah uma aysan shaacinin qiimaha dhabta ah balse saraakiil la hadashay wakaaladaha wararka ayaa laga soo xigtay in sanad kasta ay kaalmada Milatary ee Mareykanka uu siinayo Israel ku baxeyso 3.8 bilyan oo dollar.

Qiimahaan ayaa ah mid aad u badan marki la barbar dhigo midka horay sanad walba loogu qarash gareyn jiray qalabeynta Milatariga Israel, kaasoo ahaa 3.1 billion oo dollar.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Israel Shimon Peres ayaa laga deyrinayaa xaaladiisa caafimaad kadib markii shalay isbitaalka loola cararay.

Peres oo hadda 93 sano jir ah ayaa lagu soo waramayaa in uu ku jiro Coma, isagoo la dhibaateysan cudurka wadna xanuunka.

Qaar ka mid ah warbaahinta Israel ayaa soo tabiyay in Shimon Peres uu maskaxda dhiig uga furmay, iyagoo intaasna ku daray in shalay wixii ka horreeyay uu caafimaadkiisa taam ahaa.

Raysul wasaaraha Israel Benjamin Natenyahu ayaa caafimaad u rajeeyay Peres oo uu ku tilmaamay qof ay wada jecelyihiin dadka reer Israel oo idil.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *