Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay caleema saarkii madaxweynaha Zambia

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa shalay isagoo matalaya Kenya waxa uu ka qeyb galay munaasabaddii lagu caleema saaray laguna dhaariyay madaxweynaha dalka Zambia Edgar Chagwa Lungu.

xafladdaasi oo ay ka qeyb galeen hogaamiyeyaal iyo dadweyne fara badan ayaa lagu qabtay fagaare ku yaalla bartamaha magaalada Lusaka ee caasimadda u ah dalka Zambia.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Mr Ruto ayaa sheegay in uu ka qeyb qaatay dabaaldaga loo sameynaayay doorashadii nabadgalyada ahayd ee ka dhacday Zambia, taas oo lagu soo doortay madaxweyne Lungu.

Doorashadaasi ayuu Ruto ku tilmaamay mid ka turjumeysa sida ay Africa ugu heelantahay in ay ku dhaqanto nidaamka dimuqraadiyadda ee dunida kale ka jira.

Edgar Lungu oo ah hoggaamiya xisbiga talada haya ee dalka Zambia ayaa mar kale xafiiska loo doortay kadib markii uu dhameystay muddo 5 sano ah oo uu xilka madaxweynaha hayay.

Waxa uu ku guuleystay in ka badan 50% ka mid ah codadkii ay shacabka ka dhiibteen doorashadii dalkaasi ka dhacday 11-ki bishii August ee lasoo dhaafay.

Hase ahaatee hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee lagu magacaabo Hakainde Hichilema oo loollan adag ku galinaayay tartanka madaxtinimada ayaa ku gacan seyray natiijada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *