Masuuliyiinta xisbiga ODM oo ku kulmaya Jarmalka

Raila-Odinga

Saraakiisha sar sare ee xisbiga mucaaradka ah ee ODM ayaa lagu wadaa in ay dhawaan kulan wada tashi ah ku yeeshaan waddanka Jarmalka, iyagoo isla gorfeyn doona xaalada siyaasadeed ee uu dalku ku jiro waqti xaadirkaan.

In ka badan 45 hogaamiye oo lasoo doortay, oo ay ku jiraan Gavanaro, xildhibaanno iyo masuuliyiinta Countiyada u qaabilsan ODM ayaa lagu casuumay in ay xaadiraan kulankaasi.

Maalinta Jimcada ah ee soo socota ayaa la filayaa in uu ku biro hoggaamiyaha ODM Raila Odinga, waxaana uu raysul wasaarihii hore ee dalka halkaasi kula soo kulmi doonaa qaar ka mid ah jaaliyadda Kenya ee ku dhaqan Jarmalka.

Mr Odinga ayeysan suurta gal u noqonin in uu la safro hoggaamiyeyaasha kale, maadaama uu ka qeyb galayo aaska loo sameynayo meydka wasiirkii hore ee xukuumaddii Kibaki William Ole Ntimama.

Shirkaasi ka dhacay Jarmalka oo sidoo kale looga arrinsan doono dhacdooyinkii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ayaa waxaa kale oo ka qeyb gali doona khubarada dhinaca Istiraatiijiyadda iyo ganacsatada taageerta xisbiga ODM.

Ilo wareedyo ay heleen qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in waxyaabaha kale ee looga hadli doono kulankaasi ay ka mid tahay sidii go’aan looga gaari lahaa qofka noqonaya musharaxa isbahaysiga CORD ugu tartamaya xilka madaxweynaha, marka la gaaro doorashada lagu wado in ay dhacdo sanadka soo socda ee 2017-ka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *