QM oo amaantay xabad joojintii isniintii ka dhaqan gashay dalka Syria.

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha dalka Syria Staffan de Mistura ayaa  shaaciyay in xabad joojinta ku meel gaarka ah dalka Syria ka hir gashay ay dhalisay  deganaansho iyo in dalka oo idil ay colaaduhu istaagaan.

Waxa uu sheegay in howsha ugu horaysa oo hada la qabanayo ay tahay sidii kolonyo gaadiid ah oo sida gargaar bina aadanimo loo gaar siin lahaa deegaano ay ka mid tahay magaalada Xalab oo uu mucaaradku maamulo.

Waxana uu hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibada ee dowlada Syria ayaa sheegay in aan ogolaansho la’aan wax gargaar ah la gayn karin magaalada Xalab oo ay ka jirto xaalad khatar ah.

Ruushka waxa uu mucaaradka ku eedeeyay  in ay dhowr mar ku xad gudbeen xabad joojinta isniintii ka hana qaaday dalka Syria,Washington waxay ka dalbadeen inay xakameeyaan mucaaradaka ay taageeraan.

Afhayeenka maraykanka Mark Toner ayaa dhankiisa sheegay in Moscow iyo Washington ay si isku mid ah u dhowri doonaan sii socoshada xabad joojintas.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *