Maxkamad uu fadhigeedu yahay maamul goboleedka Meru ayaa warqaddii lagu soo xiri lahaa u jartay sarkaal xukumayay saldhig boolis oo la sheegay in haweeney lagu dhex kufsaday.
Garsooraha maxkamaddaasi ku taalla deegaanka Tigania oo lagu magacaabo Paul Wechuli ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro sarkaalka sare ee booliska ah, si loo maxkamadeeyo.
OCS-ka xariga wajahaya oo lagu magacaabo Simon Raziki ayaa sidoo kale lala maxkamadeyn doonaa askari kale oo ka howl gala saldhiga uu taliyaha ka yahay.
Xariga Sarkaalka iyo askariga ayaa amar lagu bixiyay kadib markii ay ka biyo diideen u yeerista maxkamadda oo laga dhowrayay in ay gaaraan maalintii talaadada ee shalay.
Labada askari ayaa la doonayay in wax laga weydiiyo sheegashooyinka ku saabsan in saldhigaasi uu fal kufsi ah ka dhacay.
Taliyaha ciidamada booliska ee degmada bariga Tigania Charles Koskey ayaa laga sugayaa in uu soo xiro sarkaalka iyo askariga eedeysan oo uu xabsiga u taxaabo.