Arday dhiganaayay jaamacada Kimathi oo ku dhintay wabi ku yaalla Nyeri

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dhacdo maalintii Jimcada ahayd ee la soo dhaafay laga soo tabiyay wabi ku yaalla meel u dhow magaalada Nyeri.

Hal Arday oo dhiganayay jaamacadda Kimathi ee ku taalla maamul goboleedka Nyeri ayaa geeriyooday kadib markii uu ku haftay wabiga Sagana ee ku yaalla Countigaasi.

Denis Kabui oo 23 sano jir ahaa oo dhiganaayay sanadka 4-aad ee jaamacadda ayaa doonaayay in uu ka tallaabo wabiga isagoo la socday 35 arday oo kale oo ka soo tagtay dugsi hoose dhexe oo ku yaalla maamul goboleedka Kirinyaga.

Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in ardaydaasi oo aan aqoon u lahayn wabiga ay ahayd in ay kaashadaan dadka deegaanka si ay iyagoo nabad qaba uga tallaabaan wabiga.

Wakiilka haweenka Muranga u qaabilsan baarlamaanka, Mrs Sabina Chege ayaa booqatay wabiga ay musiibadaasi ka dhacday, iyadoo tacsi u dirtay qoyska uu kasoo jeedo ardayga dhintay.

Xildhibaannadda ayaa su’aal galisay sababta aysan u jirin koox la tacaasha maareynta musiibooyinka oo ka howl gasha agagaarka wabigaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *