Booliska oo xaafada Kileleshwa ku dilay nin burcadnimo lagu tuhmay

Ciidamo ka tirsan booliska ka howl gala magaalada tan Nairobi ayaa toogasho ku dilay 1 nin oo burcadnimo lagu tuhmay, kadib markii ay howlgal fuliyeen saaka intii uusan waaga baryin ka hor.

Ninkaasi oo aan heybtiisa la aqoonsanin ayaa la dilay xili uu ku howlanaa fal burcadnimo ah oo uu ka geysanaayay xaafadda Kileleshwa ee isla magaalada caasimadda ah.

Sidoo kale Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay bastoolad uu isticmalaayay ninka burcadnimada lagu tuhmay ee ay toogashada ku dileen.

Qofka la tuhmay ee ku dhintay rasaasta booliska iyo 2 ruux oo kale oo wehlineysay ayaa lagu soo waramay in ay weerar dhac ah ku qaadeen dukaan lagu iibiyo qalabka korontada ku shaqeeya ee loo yaqaanno Electronic-ga, iyagoo xir xiray waardiyeyaashii ilaalinayay meheradaasi.

Ciidamada ammaanka oo loo gudbiyay qeylo dhaanta ku saabsan arrintaasi ayey u suurta gashay in ay durba gaaraan goobtaasi oo wali aysan burcadda ka tagin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Labadii nin ee kale ay ku guuleysteen in ay baxsadaan.

Laamaha ammaanka ayaa si aad ah u xoojiyay howlgallada ka dhanka ah dhaqdhaqaaqyada kooxaha burcadda ah, iyagoo inta bandanna kusoo gaba gabeeya toogasho ay ku dilaan dadka burcadnimada looga shakiyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *