Madaxa maamul goboleedka Nyeri oo taageero ka helay aqalka Senete-ka

Madaxa maamul goboleedka Nyeri Nderitu Gachagua ayaa sii joogi doona xafiiskiisa, kadib markii ay xildhibaannada aqalka Senete-ka gaashaanka ku dhufteen go’aankii ay dhawaan golaha wakiillada Nyeri xilka uga qaadeen.

Mudaneyaasha Senete-ka oo shalay kulan xasaasi ah ka yeeshay arrintaan ayaa u codeeyay in mooshinkii xilka looga xayuubiyay Gachagua uusan ahayn mid sax ah.

Kalfadhiga ay senetarada uga hadlaayen mooshinkaan oo doodiisa ay aad u dheeraatay ayaa la iskula gaaray ilaa xalay fiidkii, waxaana ugu dambeyn lagu soo gaba gabeeyay in la badbaadiyo Gavanaha.

Xubnaha golaha wakiillada ee Nyeri ayaa masuulka ugu sareeya maamul goboleedkaasi ku eedeeyay in uu ku xad gudbay dastuurka dalka uuna ku takri falay awoodiisa maamul ee xafiiskiisa.

Kulan uu golahaasi yeeshay 2 isbuuc ka hor ayaa loogu codeeyay mooshin gabi ahaanba xilka looga qaaday Mr Gachagua, kaas oo uu muran xoogan ka dhashay.

Hase ahaatee Nderitu Gachagua ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedeymaha loo jeediyay, isagoo ku dooday in aan la siinin fursad iyo waqti uu isku difaaco.

Wakiillada laga soo doortay maamul goboleedyada dalka ayaa qaarkood horay tallaabooyin adag uga qaaday madaxda dowlad gpboleedyada ee ay u jeediyeen eedeymaha kala duwan.

Horay ayaa mooshinno noocaan ah oo xilalka looga qaaday waxa ka badbaaday Gavanaro ay ka mid yihiin Martin Wambora oo laga soo doortay maamul goboleedka Embu, dhigiisa maamul goboleedka Kericho Paul Chepkwony, madaxa maamul goboleedka Makueni Kivutha Kibwana iyo Mwangi wa Iria oo ah madaxa maamul goboleedka Murang’a.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Madaxa maamul goboleedka Nyeri oo taageero ka helay aqalka Senete-ka

  1. It is appropriate time to make some plans for
    the future and it’s time to be happy. I have read
    this post and if I could I desire to suggest you some interesting things or tips.
    Perhaps you can write next articles referring
    to this article. I wish to read even more things about
    it! http://bing.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *