Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ansixiyay isbadalkii lagu sameeyay sharciga doorashada

Aqalka madaxtooyada ee looga arrimiyo dalka ayaa shaaciyay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu saxiixay hindise sharciyeedka isbadalka lagu sameeyay ee xeerka doorashada.

Sharcigaasi ayaa waxa dhawaan ka dooday oo meel mariyay mudaneyaasha labada aqalka ee baarlamaanka oo kala ah wakiillada qaranka iyo Senate-ka.

War saxaafadeed kasoo baxay xarunta madaxtooyada Nairobi oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay Star Fm ayaa lagu xaqiijiyay in madaxweynaha uu qalinka ku duugay xeerkaasi oo hadda si rasmi ah u dhaqan galaya.

Is badallada lagu sameeyay xeerka doorashada ayaa waxaa ka mid ahaa in la badalo xubnaha gudiga madaxa bannaan ee doorashada iyo xuduudaha dalka ee IEBC.

Wixii ka dambeeyay shalay galinkii dambe markii uu madaxweynaha saxiixay sharcigaasi ayaa waxaa la guda galay hannaanka lagu soo xulanayo saraakiisha cusub ee gudiga IEBC, sida lagu qeexay war saxaafadeedkaan oo uu ku saxiixnaa af hayeenka madaxtooyada Manoah Esipisu.

madaxweynaha ayaa sidoo kale isla shalay qalinka ku duugay dhowr xeer oo kale oo ay ka mid yihiin sharciyada duulista hawada, iyo biyaha oo is badallo lagu sameeyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *