Shil tareen oo ka dhacay dalka Pakistan

Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku dhimatay halka in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen shil tareen oo xalay saqdii dhexe kadib ka dhacay gobolka Punjab ee bartamaha dalka Pakistan.

Shilkaasi ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen tareen rakaab siday oo ku wajahnaa magaalada Karachi iyo tareen kale oo ah kuwa lagu qaado badeecooyinka iyo qalabka kale.

Labada tareen ayaa isku dhacay xili ay marayeen meel 25 kilo mitir u jirta magaalada Multan, abaare 2:30 am ee habeenimo waqtiga dalkaasi.

Mid ka mid ah tareennada ayaa istaagay inta uusan shilka dhicin ka hor, kadib markii uu jiiray nin damacsanaa in uu ka tallaabo wadada tareenka.

Muuqaallo ay shaaciyeen qaar ka mid ah televishinada Pakistan ayaa lagu arkayay kooxaha gurmadka deg dega ah oo halkaasi gaaray si ay dadka u badbaadiyaan.

Hase ahaatee waxaa lasoo tabiyay in ay kooxaha gurmadka aad uga daaheen waqtigii la filaayay in ay halkaasi gaaran, taas oo eedeyn xoogan loogu jeediyay.

Dalka Pakistan ayeysan ku cusbeyn shilalka tareennada ee uu qasaaraha lixaadka leh ka dhasho.

Bishii November ee sanadkii la soo dhaafay ayey 19 ruux ku dhinteen shil tareen oo ka dhacay gobolka Balochistan ee ku yaalla koonfurta-galbeed ee dalkaasi.

Bishii July ee isla sanadkii 2015-kina 17 qof ayaa geeriyootay kadib markii tareen ay Milatariga Isticmaalaan ka dhacay buundo uu dul maraayay.

Qiyaastii 130 ruuxna waxay ku geeriyoodeen shil tareen oo sanadkii 2005-ti ka dhacay gobolka Sindh ee dalka Pakistan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *