Adeegii biyaha ee Nairobi oo dib u bilowday

Waxda adeega biyaha ee maamul goboleedka Nairobi ayaa u xaqiijisay shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah in dib loo soo celiyay adeegii biyaha oo hakad ku jiray 2-dii maalmood ee la soo dhaafay.

Aroormadii saaka oo jimce ah ayay shirkadda adeega biyaha iyo bullaacadaha ee Nairobi sheegtay in lasoo gaba gabeeyay dayactirkii lagu sameynaayay mid ka mid ah haamaha waaweyn ee biyaha lagu keydiyo.

War maanta kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in howsha dayactirka ah  ay socotay muddo 6 saacadood ah oo xiriir ah, waxaana suurta gashay in lasoo af jaro xili ka horreeya waqtigii marki hore la qorsheeyay.

Wasiirka biyaha iyo arrimaha deegaanka ee maamul goboleedka Nairobi Peter Kimori ayaa sheegay in biyaha si toos ah loo soo daayay, hase ahaatee ay suurta gal tahay in ay ilaa 6 saacadood qaadato inta ay tubooyinka oo dhan ka buuxsamayaan.

Maalintii talaadada ahayd ee isbuucaan ayey masuuliyiinta shirkadda adeega biyaha ee nairobi ku war galiyeen shacabka ku dhaqan inta badan xaafadaha Nairobi in ay biyaha keydsadaan inta laga dayactirayo hanta ciladowday.

In ka badan 1.5 milyan oo ka mid ah dadka dagan Nairobi ayey saameyn ku yeelatay biyo la’aanta oo 2 maalmood ka jirtay xaafado ku yaalla bariga iyo bartamaha Nairobi iyo sidoo kale xaafadaha ku xeeran garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *