Ciidamada Israel oo toogasha ku dilay afar qof oo sedex kamid ah ay u dhasheen dalka Phalastin

Ciidamada booliska ee dalka Israel ayaa toogasha ku dilay Sedex qof oo falastiiniyiin ah iyo qofka kale oo u dhashay dalka Urdun 24-tii saacadood ee la soo dhaafay sida wararka ay sheegayaan.

Toogashadan ayaa lagu soo warmaayaa in ay ka kala dhaceen daanta galbeed iyo bariga Jerusalem.

Dhacdada ugu horeysay ayaa maanta oo jimco ahayd waxaa ay ka dhacday ilinka lagu magacaabo Damuscus oo laga galo waqooyiga Magaalada Jerusalem.

Booliska yahuuda ee halkaasi kusugnaa ayaa toogtay qof ay sheegen in uu siday sharciga dalka Jordun waxayna intaas ku dareen in ay doonayaan in uu mindi ku weeraro ciidamadii halkaas ku sugnayd.

Falkan oo sidoo kale isla maanta dhacay ayaa waxaa uu ka dhacay bosteejo baasaska laga raaco oo kuyaala Magalaada Hebron.

Darawal u dhashay dalka Falastiin ayaa gaari meel ay u badan yihin dad yahuud ah si xowli ah ku soo dhexmariyay taas oo sababtay in ciidamada Israel ee halkaasi ku sugnaa ay rasaas ku furan gaarigaasi oo uu sarnaa darawalka iyo haweeney kale ee la socotay sidaasina waxaa sheegen saraakil ka tirsan ciidamada booliska.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Ciidamada Israel oo toogasha ku dilay afar qof oo sedex kamid ah ay u dhasheen dalka Phalastin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *