Dagaal ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Elgeyo Marakwet

Xiisado colaadeed ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta ka taagan yihiin deegaan ka tirsan maamul goboleedka Elgeyo Marakwet, kadib markii ay halkaas kasoo cusboonaadeen isku dhacyo u dhexeeya maleyshiyo beeleedyo iska soo hor jeeda.

2 ruux ayaa toogasho lagu dilay xili uu shalay dagaal labada dhinac u dhexeeya ka socday deegaan lagu magacaabo Kaben oo hoos taga maamul goboleedka Elgeyo Marakwet.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay kasoo kala jeedeen labada beelood ee kasoo kala jeeda qoomiyadaha Marakwet iyo Pokot oo daris ah.

Taliyaha booliska ee aagaasi Emmanuel Rono ayaa sheegay in tiro aan la cayimin oo kasoo jeeda qoomiyadda Pokot ay weerar ku qaadeen xaafadda Kaben, halkaas oo ay 1 ruux ku dileen.

Sarkaalkan ayaa xaqiijiyay in dhalinyaro kasoo jeeda qoomiyadda Marakwet oo weerarkaas ka aargudanaayay ay iyagana toogasho ku dileen qof ka tirsan  beesha kale ee weerarka fulisay.

Mr Rono ayaa intaas ku daray in aysan jirin wax xoolo ah oo la kala dhacay, taas oo horay u dhici jirtay marka ay dagaallada noocaan ah soo cusboonaadaan.

Masuuliyiin ka socota laamaha ammaanka oo uu hor kacayo gudoomiyaha maamul goboleedka Elgeyo Marakwet Fredrick Ndambuki ayaa la filayaa in ay maanta kulan la yeeshaan wax garadka deegaanka, si looga shaqeeyo in ay nabad galyada dib u soo laabato.

Isku dhacyada u dhexeeya labadaasi beelood ayaa ah kuwo marar badan oo hore soo noqnoqday, qasaare kala duwanna uu ka dhashay.

Mid ka mid ah isku dhacyadii ugu xumaa ee dhex mara beelahaan ayaa dhacay sanadkii 2001-di waxaana xiligaas lagu dilay ugu yaraan 45 ruux.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *