Dowlada oo sheegtay in ay baarayaan in weerarkii ka dhacay Mombasa ay ku lug lahaayen kooxda ISIL

Dowlada dalka ayaa sheegtay in ay baaritaan xoog leh ku hayaan weearkii isbuuci la soo dhaafay lagu qaaday saldhiga booliska ee kuyaala bartamaha Magaalada Mombasa.

Afhayeenka dowlada Eric Kiraithe ayaa sheegay in qaabki loo soo abaabulay weerarkaasi uu ahaa mid si aad ah u sareeyo waxuuna intaa ku daray in dad badan ay ka qeyb qaateen islamarkaana waqti badan lagu bixiyay.

Ciidamadii booliska ahaa ee ku dhaawacmay qaraxaas ayuu sheegay in laga saaray isbitaalka kadib markii laga daweeyay dhaawacyadii soo gaaray.

Dhanka kale xoghayaha wasaarada arrimaha dibada Kirancha Kibicho ayaa xaqiijiyay in dhamaan saldhigyada booliska lagu xiri doono xeendaab si looga fogaado weeraro lagu qaado saldhigyada booliska.

Waxaa uu sheegay in sababta ay tahay in dableyda weerarka soo qaado ay xili walbo badalaan taktikada ay weerarka u qaadayaan.

Kibicho ayaa kenyanka u xaqiijiyay in dowlada ay wado qorsho ay amaanka ku sugeyso waxuuna  dadweynaha ugu baaqay in laamaha amaanka kusoo wargaliyaan waxyaabaha ammaanka qal qal galinaya.

Tan ayaa ka dambeysay kadib markii isbuuci la soo dhaafay weerar la doonaayay in lagu ekeeyo saldhig ay leeyihiin ciidamada booliska oo kuyaala mombasa halkaas oo lagu togtay sedex dumar ah oo damacsanaa weerarkaasi.

Waxaa hadda falkaasi u xirin sedex qof oo dumar ah oo lala xiriirinayo in ay wax ka ogaayen dhacdadaasi waxaana lagu amray in muda ay ku sii jiraan gacanta laamaha amaanka si baaritanaka lagu hayo loo soo dhameystiro.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *