Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo la filayo in uu booqasho ku tago dhamaan maamul goboleedyada dalka

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu billaabo safarro uu ku booqanayo dhammaan 47-da maamul goboleed ee uu ka koobanyahay dalka, si uu taageero dheeraad ah ugu raadiyo xisbiga uu hogaaminayo ee JAP.

Xisbigaasi oo ay ku midoobeen asxaab fara badan oo kale ayaa si rasmi ah xariga looga jaray 10-ki bishaan September, waxana ay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisaba doonayaan in ay ku galaan tartanka doorashada xigta ee Kenya ka dhici doonta sanadka soo socda.

Socdaalka uu Kenyatta ku kala bixinayo qeybaha kala duwan ee dalka ayaa la filayaa in uu socdo bilaha soo socda ee dhammaadka sanadkaan ilaa horaanta sanadka 2017-ka.

Saraakiil ku dhow dhow xisbiga Jubilee ayaa xaqiijiyay in ay hadda socdaan qorsheyaasha ku aadan safarrada madaxweynaha iyo masuuliyiinta sar sare ee xisbiga talada haya.

Waxaa socda wada hadal u socda hoggaanka xisbiga JAB iyo madaxda xisbiyada kale ee ku biiray, iyagoo ka arrinsanaya sidii loo abuuri lahaa laamaha uu xisbiga ku leeyahay maamul goboleedyada dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa la filayaa in uu madaxweyne Uhuru Kenyatta kala shaqeeyo sidii xafiisyada xisbiga Jubilee looga furi lahaa dhammaan 47-da is maamul goboleed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *