Mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay Paris

Ugu yaraan 12 ayaa ku dhaawacantay isku dhacyo ka dhashay mudaharaad rabsha watay oo ka dhacay magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.

Booliska Faransiiska ayaa xabsiga u taxaabay tiro ka mid ah dadka mudaharaadaya oo watay boorar u ku xardhanaayeen halku dhigyo looga soo horjeedo dowladda.

Dadka dibadbaxaayay ayaa kasoo hor jeeda sharci ku saabsan dhinaca shaqada oo ay dhawaan shaaca ka qaaday dowladda Faransiiska ee uu hoggaamiyo madaxweyne François Hollande.

Is badalka lagu sameeyay xeerka shaqaalaha ee dalkaasi ayaa dhaliyay muran weyn, waxana ay dadka dhaliilsan sheegeen in lagu xad gudbay xuquuqda ay leeyihiin dadka shaqaalaha ah.

Qodobada sida weyn loo diidanyahay ee ku sugan sharcigaasi ayaa waxa ka mid ah in ay shirkadaha loo shaqeeyo kordhin karaan waqtiga ay shaqaalaha shaqeeyaan isbuucii oo hadda ah 35 saacadood.

Saraakiisha booliska France ayaa sheegay in mudaharaadkii dhacay ay ka qeyb qaateen dad ay tiradooda kor u dhaafeyso 78,000 oo u badan shaqaale.

Hase ahaatee dadka soo abaabulay mudaharaadyada ayaa tirada dadka ku qiyaasay in ay ka badneyd 170,000 oo ruux.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *