Aden Bare oo ugu baaqay Peter Munya in u ku biiro xisbiga Jubilee

Hoggaamiyaha aqlabiyada barlamaanka ahna mudanaha laga soo doorto deegan barlamaaneedka Garissa Township ayaa maanta xili u ka qeyb galaayay xaflad lacag arruurin ah oo ka dhaceysay countiga Meru ugu baaqay gavanaha countigaas in u ku biro xisbiga jubilee.

Mr Ducale oo matalaayay madaxweyne kuxigeenka dalka William Ruto ayaa waxa u xafladaas ka jeediyay in PNU ay kamid tahay xisbiyada bur buray oo hoos yimaaday dalada xisbiga Jubilee.

Ducale ayaa sheegay in gavane Munya iyo hoggaamiyaasha kale aysan sheegan Karin in ay tageeri doonan madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa isla markaasina ay diidan in ay ku biiran xisbiga jubilee.

Hoggaamiyaha aqlabiyada Barlamaanka ayaa dadka reer Meru ka codsaday in ay tageeran madaxweynaha dalka iyo xisbigiisa Jubilee isago sheegay in xisbigaas u yahay mid lagu mideynaayo dhamaan dadka Kenyanka ah.

Madaxweyne kuxigeenka dalka ayaa seegay in u xafladaas ka qeyb galo maadama u dalka ka maqan yahay oo u ka qeyb galaayo shirka qaramada midoobay ee ka dhacaayo magaalada New York waxana u matalaaya madaxweyne Uhuru Kenyatta.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *