Dowlada oo loogu baaqay In ay wax ka qabato colaada ka dhex aloosan shacabka dega Isiolo iyo Garissa

Dowlada dalka ayaa loogu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax ooga qaabato bulshada ay colaada u dhaxeyso ee dega waqooyiga Isiolo iyo Qeybo katirsan Maamul goboledka Garissa.

Hoggaamiyaha aqlbaiyada aqalka barlamaanka Aden Barre ayaa waxaa uu u sheegay County Komishana Maamul goboledka Isiolo George Natembea in uu soo faragashado dagaalaan islamarkaana uu talaaba adag qaado si bulshooyinkaasi ay xasilooni iyo deganaan ugu wada noolaadan.

Aden Bare oo sidoo kale ah xildhibaanka laga soo dortay degmada Garissa oo shalay galab ka hadlaayay Magaalada Isiolo oo uu uga qeyb galay xaflad lacag loogu aruurinaayay ururada haweenka iyo dhaliyarada ayaa waxaa uu sheegay in uu la fariisan doono Mas’uuliyinta sar sare ee amaanka si amniga goobaha ay colaada ka taagan yihiin loo xasiliyo.

Waxaa uu ugu dambeyn balan qaaday in uu isku keeni doono xildhibaanada laga soo doortay deegandaasi, waxgaradka iyo culimada si arrintan ay xal waarta ooga gaaraan.

Hadalkan kasoo baxay Mas’uulkaasi ayaa daba socday xilli isbuuc ka hor ay ahayd markii odeyaasha Maamul goboledka Garissa ay ugu baaqen hogaamiyayaasha in ay hor kacaan shacabkooda iyo mas’uuliyiinta kale ee maamuladaasi si xasilooni loo kala dhex dhigo bulshooyin xoolo dhaqato ah oo xurgufta u dhaxeysa.

Isbucyadii la soo dhaafay ayay ahayd markii isku dhacyo laga soo tabiyay degmada Lagdheera oo ka tirsan Countiga Garissa.

Coolaadahan ayaa salka kuhaayay muran dhanka daqsiinka ah oo u dhaxeeyay xoolo dhaqata kasoo kala jeeda garissa iyo Isiolo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Dowlada oo loogu baaqay In ay wax ka qabato colaada ka dhex aloosan shacabka dega Isiolo iyo Garissa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *