Hooyo cunugeeda dishay oo maxkamada la soo taagay

Hooyo lagu eedeynayo in ay dishay cunug yar oo ay dhashay ayaa shalay oo jimco ahayd kasoo hormuuqatay maxkamada kutaalo Maamul goboleedka Nyeri.

Priscah Wangechi Gichoi ayaa u sheegtay xaakinka Maxkamada la soo taagay in xiligi ay dileysay cunugeeda ay la kulmeysay dhibaatooyin la xiriira maskaxda sababtaas awgeedna ay falkaasi foosha xun ugu dhaqaaqday.

Talaabadaasi ay hooyada ku dishay cunugeeda oo afar bilood dhalnaa ayaa waxay geysatay laba sano ka hor, waxayna hooyada sheegtay in waqtigaas ay u socdeen daawo dhanka maskaxda ah.

Ms Gichoi ayaa lagu eedeynaya in tuulada Githuri ee countiga Nyeri ay si u la kac gabarteeda ugu qaarijisay 10-kii bishii April ee sanadkii 2014-kii.

Waxa maxkamada loo sheegay in hooyadaasi ay ciijisay gabadheeda oo lagu magacaabi jiray Joy Wangari Wangechi waxayna markii dambe u dhimatay dhaawacyo soo gaaray.

Hooyadan oo isku hor difaaceysay xaakin Onesmus Towet ayaa waxay carabka ku dhufatay in ay soo baraarugtay oo kali ah xiligii la geeyay saldhiga booliska bartamaha Nyeri islamarkaana ay xiligi falkaasi ku fulineysay miirkeeda joogin.

Waxaa hadda lagu wadaa in dhagesysiga kiiskaasi dib loo dhageysto islamarkaana laisugu so laabto 14-ka bisha November ee sanadkan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Hooyo cunugeeda dishay oo maxkamada la soo taagay

  1. Howdy would you mind stating which blog platform you’re using?
    I’m going to start my own blog in the near future but I’m having a tough time choosing between BlogEngine/Wordpress/B2evolution and Drupal.
    The reason I ask is because your design and style seems different then most blogs and
    I’m looking for something completely unique. P.S Apologies for getting off-topic but I had to
    ask! http://www.yahoo.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *