ODM iyo Jubilee oo maalinta berito ah isu soo baxyo ku dhigi doono Magalada tan Nairobi

Xisbiyada kala ah ODM  uu hoggaamiyo Raila Odinga iyo Jubilee oo uu horkacayo Madaxweynaha dalka ayaa lagu wada in maalinta berito ah ay Magaaladatan Nairobi ka dhigaan isuso baxyo siyaasadeed.

Gavanaha Maamul goboledkan Nairobi Evans Kidero ayaa sheegay in isu soo baxa ODM ay ku qabsan doonaan garoonka Masinde Muliro oo kuyaala degmada Mathare.

Laakinse xildhibaanka laga soo dortay degmadaasi Mathare ayaa sheegay In garoonka ay ODM doonayeen in ay isu soo baxa ku qabtaan ay horay u kiresteen xisbiga Jubilee si ay ugu qabsadaan xaflad siyaasadeed oo ay sidoo kale ku dahfurayaan mashurcyo hormarineed oo kala duban.

Kidero oo xaqiijiyay kulankaasi ay ODM qabsaneyso ayuu ku sheegay in ay tahay isu soo bixi ugu weynaa oo abid ay qabtaan xisbiga waxuuna hoosta ka xariiqay in uu kasoo qeyb gali doono hoggaamiyaha ODM oo ah Raila odinga.

Arintan ayaa ku soo aadeysaa xili isbuuci la soo dhaafay ay ahayd markii xisbigan uu isu soo bax iyo xaflad balaaran ku qabteen Magaalada Mombasa ee gobolka xebta dalka kaas oo loogu dabaal dagaayay sanad guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay xisbiga uu hoggaamiyo Ra’isul wasaarihii hore ee dalka.

Sidoo kale isla maalintaasi waxa la dahfuray xisbiga Jubilee kaas oo oo markii hore ahaa Isbahaysi ay ku bahooben xisbiyo siyaasadeed.

Waxaa malmihii dambe sare u kacay ololaha loogu jiro siyaasada iyadoo la filayo in bisha sideedaad ee sanadka soo socdo ee 2017-ka uu dalka ka dhaco doorasho.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *