Ra’iisul wasaaraha Britain oo ka hadashay xiliga dalkeeda uu bilaabayo qorshaha ay uga baxaayan EU-da

Ra’iisul wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa sheegtey in geeddiga Britain uga baxaayso Midowga Yurub uu bilaabanayo bisha Febraayo ee sanadka dambe, sida laga soo xiganayo guddoomiyaha joogtada ah ee Golaha Midowga Yurub Donald Tusk.

Shirkii heerkiisu sareeyey ee Midowga Yurub ku yeesheen todobaadkan caasimadda Slovakia ee Bratislava ayaa Donald Tusk sheegay in isaga iyo Theresa May ay kuwada hadleen magaalada London, wada hadalkaas oo uu sheegay in Raysal wasaaraha Britain ay uga hadashey si furan oo daacad ah, ka bixitaanka Ingriiska ee Midowga Yurub.

Britain ayaa cod u qaadey ka bixitaanka Midowga Yurub bishii June 2016, waxana dadka intiisa badan u codeeyeen in laga baxo, taas oo kaliftey in raysal wasaarihii xiligaas uu iscasilo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *