Booliska oo raadinaya 2 nin oo lala xiriirinaayo weerarkii saldhiga Mombasa lagu qaaday todobaadkii hore

Ciidamada  booliska ee dalka  ayaa ku raad jooga  laba  nin oo la sheegay in  axadii la soo dhaafay  ay saldhiga la weeraray  ee Mombasa soo geliyeen haweenkii weerarka geystay.

Labadan nin oo ka mid ah darawaliinta baabuurka loo yaqaano tuktuk  oo haweenka saldhiga weeraray ay saarnayeen ayaa  gawaridooda dhigay banaanka halka  dadkii saarnaana ay   xarunta gudaha u galeen.

Sarakiisha waxda dambi baarista ayaa  eegaya fidiyow ay ka heleen dukaamada saldhiga u dhow si ay ugu fududaato in  la aqoonsado labadan darawaliin oo goobta ka baxsaday markii ay dhawaqa rasaasta maqleen.

Dhanka kale ciidamada booliska ayaa raadinaya laba nin oo kale  oo si joogta ah ula xiriiraayay mid ka mid ah haweenka  weerarka soo qaaday.

Weerarkan ayaa  cabsi ku beeray dadka ku dhaqan Mombasa maadama ay sara u sii kaceyso tirada haweenka ee  maxkamada loo geynayo in ay argagixisada ku lug leeyihiin.

Ilaa iyo hada 9 haween ah oo loo heysto dambiya argagixisada la  halmaala ayaa maxkamada la horgeeyay  dacwadna ku socotaa.

Waxaa ugu dambeysay oo maxkamad la geeyay   xaaskii uu ka dhintay Aboud Rogo oo ka mid ahaa ducaada si weyn looga yaqiinay gobolka xeebta ee dalkani Kenya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *