Caymiska caafimadka ee macalimiinta oo muran hor leh ka dhashay

Waxa hada  laga cabsi qabaa in  muran ka dhashay   qaabka lagu bixiyay  qandaraaska la xiriira caymiska caafimadka ee loogu talagalay in ka badan 260,000 oo barayaal ah  maxkamada lala tiigsado.

Qandaraaska caymiskan oo ku kacaya lacag dhan 15 bilyan oo shilin  ayuu isbuucii la soo dhafay  gudiga adeega macalimiinta ee TSC siiyay  shirkada   bixiso adeegyada caymiska ee  AoN Kenya Insurance Brokers.

Dhanka kale  murankan ayaa waxa hada soo dhex galay maamulka kormeerka ku sameeyo alabta dadweynaha loo soo iibiyo  ee (PPOA) oo warqad u qoray  gudiga  TSC  .

Warqadan ayuu maamulka uga dalbanaya gudiga adeega macalimiinta in uu  faahfaahin ka  bixiyo qaabka lagu bixiyay qandaraaskan.

Sido kale wararka  ayaa intaas ku daraya in sarkaal sare oo  gudiga TSC u qaabilsan soo iibinta  bishii la soo dhafay shaqada laga tiray kadib markii uu ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo geedi socodka qandaraaskan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *