In ka badan 20 qof oo ku dhintay weerar lagu qaaday saldhig milatari oo ku yaalo caasimada waddanka India ee Kashmir

17 sarkaal iyo 4  ka mid ah dagaalyahanada mucaradka ayaa  lagu dilay weerar lagu qaaday  xarunta ugu weyn ee ciidamada milatariga oo ku taalo magaalada Kashmir ee wadanka india.

Waxaa weerarkan warbaahinta u xaqiijiyay  taliska miliatariga ee waqooyiga dalkaasi oo fariin  ka soo saaray.

Barta twitarka  ee taliska milatariga ayaa maanta lagu qoray in 4 qof oo argagixisada ku lug leh lagu dilay howl gal laga fuliyay Uri halka 17 sarkaalna ay weerarkan ku nafwayeen.

Aaga howlgalkan uu ka dhacay ee  Uri ayaa 100 kilomitir   dhinaca galbeed kaga beegan magaalada dhacda waqooyiga india ee Srinagar.

Dagaalyahanada mucaradka ayaa markii hore weeraray  dhinaca saldhiga milatariga ee xigta xadka laguna magacaabo Line of Control or LoC .

Waxay markii dambe u sii gudbeen  dhanka xarunta ugu weyn sida laga soo xigtay afhayeenka milatariga India Colonel SD Goswami .

Wasiirka arrimaha gudaha ee India Rajnath Singh  ayaa qoraala isdabayaal ah oo uu ku qoray barta twitarka ku sheegay in uu la  xiriiray ciidamada milatariga iyo hoggaamiyaasha siyaasadeed. ee gobolka .

Dhanka kale wasiirka ayaa intaas ku daray in la kansalay safar uu ku tagi lahaa  Ruushka iyo mareykanka.

Ugu dambeyntina   horay ayaa 87 rayid ah lagu dilay kumanaan kalena ay ku dhawacmeen  dibadbaxyo looga soo horjeeday hoggaanka wadankaasi kadib markii  8-dii bishii july ee sanadkan la dilay mid ka mid ahaa hoggaamiyaasha mucaradka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *