Mudanaha degaanka Garissa Township oo xoola dhaqatada gobolka waqooyi bari ugu baaqay in nabad ay ku wada nooladaan

Hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka  sido kalena ah mudanaha laga soo doortay  degaanka Garissa Township Adan Bare Ducale aya xoola dhaqatada ku dhaqan waqooyi bari Kenya ugu baaqay in ay si nabad ah ku wada noolaadan.

Sido kale Adan Bare Ducale ayaa xusay in loo baahanyahay kulan nabadeed oo degdeg ah  si  loo xaliyo  isku dhacyada u dhexeya xoola dhaqatada ku nool  maamul goboleedyada isiolo iyo Garissa.

Ugu yaraan 7 qof ayaa in ka yar 3  todobaad  gudahood  lagu dilay dagaalo ka dhacay xadka ay wadagaan countiyada isiolo iyo Garissa.

Dagaaladan ayaa salka ku haya daaqa iyo biyaha.

Mr Duale ayaa dhanka kale ka dhawaajiyay in dowlada ay tageeri doonto gudoomiyaasha countiyadan si loo xakameyo amni daradan.

Hadalkan ayuu mudanaha jeediyay isaga oo  madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto  wakiil uga ahaa munasabad lacag loogu aruurinaayay  dugsiga sare ee Sericho, 19 haween ah iyo 2   kooxood oo dhalinyarada  ka soo jeeda   waqooyiga degaanka   Isiolo  ay ku bahooben.

Ducale ayaa intaas ku daray in qudiisa uu madaxweyna dalka kala hadlaaya isku dhacyadan si xal degdeg ah loo helo.

Ugu dambeyntina Adan Bare Ducale ayaa ka dhawaajiyay in wasiirka arrimaha  gudaha iyo isku duwida dowlada dhexe Joseph Nkaissery uu kulan la  yeelanayo  xildhibaanada laga soo doortay  Isiolo, Garissa, Wajir, Marsabit, Tana River iyo  Mandera  si looga wada hadlo sidii  loo soo afjari lahaa dhibaatadan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *