Qowmiyada Maasai oo bilowday in ay soo xulato qofkii bedeli lahaa wasiirkii hore ee dhawaan geeriyoday William Ole Ntimama

4 maalmood kadib markii la aasay  wasiirkii hore ee dhawaan geeriyooday  sido kalena ahaa hoggaamiyaha qowmiyada Masaai ee dalkan Kenya ,William ole Ntimama waxa hada   sii xoogeysanaya dadaalada loogu jiro in la helo qofkii  jaaliyadan hoggaanka u qaban lahaa.

Dooda la xiriirta qofkii William ole Ntimama bedeli lahaa ayaa la aaminsanyahay in uu bilaabay  raysul wasaarihi hore ee wadanka Tanzania Edward Lowassa.

Isaga oo la hadlaya dad baroordiq isugu soo baxay ayuu Lowasa  ku booriyay  in joseph nkaissey uu ku dadaalo sidii qowmiyada ay uga hadli lahayd  arrimaha quseeyo.

Mr Lowasa ayaa yiri waxaan ugu baaqaya wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Nkaissery in uu soo qabanqaabiyo kulan looga wadahadli doono qofkii xilkan dhaxli lahaa.

Hadalka Mr Lowassa ayay dad badan u arkeen in uu ku taageerayo in joseph inkaissery uu noqdo  hoggaamiyaha qowmiyada masaai.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *