Dowlada dalka oo ku andacooneysa in dacwada badda aysan xaq u laheen in ay qaado maxkamada ICC-da

Dowlada dalkan Kenya ayaa maxkamadda Caddaaladda Dunida u sheegtay in maxkamadaasi fadhigeedu yahay magaalada Hague aysan xaq u lahayn qaadista dacawadda la xiriirta soohdinta badda ee kala dhaxeyso Soomaaliya.

Garsoorayaasha maxkamaddaasi ICC-da ayaa maanta dhageysanaayay sababta Kenya ay u diidan tahay in dacwaddan ay maxkamadda dhageysato.

Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Githu Muigai ayaa maxkamadda u sheegay in ay jiraan laba siyaabood oo aan dacwadda ahayn oo lagu xalin karo murankan

Qaabka koowad ayuu ku sheegay sida in la raaco heshiiskii is afgaradka ee Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen sanaddii 2009-kii iyo in loo maro heshiiska caalamiga ah ee cadaynta badaha ee Qaramada Midoobay.

Dhagaysiga ayaa khuseeya oo kaliya diidmada ka timid dhinaca dowlada dalka oo ay ku dooneyso in maxkamadaasi aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan.

Soomaaliya ayaa berrito jawaab celin ka sameyn doonto doodaha ay soo gudbisay dowlada dalka.

Soomaaliya ayaa dacwaddan geysay maxkmaddan oo ah wax garsoor o ka tirsan Qaramada Midoobay sanaddii 2014-kii.

Labada dalba waxay sheeganaayan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay cadeyso xaduuda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Balse dawladda Kenya ayaa su’aal galisay awoodda ay maxkamadda u leedahay in ay qaado dacwaddan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *